Ahlusunna oo mar kale ku celiyay in Villa Somalia af-duubtay doorashada Galmudug

Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan, ayaa  war-saxaafadeed uu soo saaray, mar kale  ku celiyay in hannaanka doorashada Galmudug, ay afduubatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheikh Shaakir ayaa sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faquuq siyaasadeed ku samaysay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hoggaanka sare ee Ahlusunna, islamarkaana dadka reer Galmudug aan wax talo ah laga siin masiirkooda, oo ay marti ka yihiin hawlaha socda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in musharrixiintii kale marka laga reebo musharraxa dowladda, ay si cad u qaaddaceen doorashada, maadaama la af-duubtay hannaankii doorashadaasi oo musuq maasuq iyo eex lagu sameeyay dadka reer Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug waxa kale oo uu caddeeyay, in haddii aysan dowladda Federaalka wax ka beddelin sida ay u waddo hannaanka doorashada, ay Ahlusunna doorasho kale u qaban doonaan dadka reer Galmudug.

PUNTLAND POST