Puntland oo sheegtay in ay mushaarka u kordhin doonto ciidamada

Xerada ciidamada 54-aad ee Garowe waxaa maanta tabarbar looga furay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee komaandooska Puntland.

Daah-furka tababarkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib u habeynta ciidamada Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amnig Cabdisamed Maxamed Galan, Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo saraakiil ciidan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa ciidamada kala hadlay helida xuquuqdooda, wuxuuna sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay balan qaadayso in Askari walba uu helo xuquuqdiisa mushaar, isla markaana aan cid kale u dhaxeyn doonin.

Sidoo kale Xasan Abgaal ayaa balan qaaday in dowladdu mushaarka u kordhin doonto ciidamada, ayna siin doonto xuquuq ku filan.

Tababarkan maanta la furay ayaa socon doona Sadex bilood sida ay sheegeen madaxda ciidamada Daraawiishta Puntland.

Puntland ayaa wada dib u habeyn ay ku sameynayso ciidamada, waxayna dhowr jeer oo hore furtay tababaro ciidan.

PUNTLAND POST