Madaxweyne Deni oo Nairobi kula kulmay Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi, oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa hallkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo safiirada dalalka daneeya Arrimaaha Sioomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa xalay oo u dambaysay magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo, sida lagu sheegay qoraalk soo baxay madaxtooyada Puntland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Deni iyo Danjire Guyo ay  kulankooda uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay isla magaaladda Nairobi kula kulmay Safiirka dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager, waxaana ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

PUNTLAND POST