Amar laga soo saaray xarumaha dhaqan celinta iyo qur’aan saarka Muqdisho

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa amar ka soo saartay xarumaha qarsoodiga ee dhaqan celinta iyo qur’aan saarka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdulaahi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xarun xabsi u eg aysan ka furnaan doonin Muqdisho, ciddii lagu helana lala xisaabtami doono.

“Xarun xabsi u eg maka furnaan karno magaalada Muqdiaho, mana ka aamusi karno, shaqadeena waaye maxkamadda Racfaanka, xasbi wax ku saabsan oo dad lagu heyn karo sharciga ayaa tilmaamaya, sharcigu meel uu tilmaamin cid qof ku hayn karto malahan, haddii uu ku dhintana masuuliyadiisa isagaa qaadaya qofkaas” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Qaryaqaan Abshir Cumar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in xarumaha qur’aan saarka ay mararka qaar garaacaan dadka, isagoo xusay in dhawaan uu soo maray kiis garaacid ah oo qof ku dhintay, hadda kadibna aan la ogolayn xarumaha noocaas ah.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in meel aan xabsi ahayn lagu hayn karin dadka loo baahdo in la xakameeyo, maadaama uusan sharcigu sidaa qabin ayna meel ka dhac ku noqonayso xuquuqdooda.

Qaryaqaan Abshir Cumar ayaa sheegay in kiiska ka dhasha xarumaha xabsiga u eg, uu sababo khiaafka waalidiinta iyo caruurtooda, oo marka uu xumaado la saaro dowladda.

Amarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dawladda Soomaaliya dhawaan Denmark ku wareejisay gabar ka baxsatay xarun dhaqan celin oo ku taalla Muqdsho, taas oo dowladdu kala kulantay buuq iyo eedeyn.

PUNTLAND POST