Ciidamada Somaliland oo saacado kooban la wareegay degaanka Boocame ee gobolka Sool

 Ciidamada Somaliland, ayaa maanta saacado kooban la wareegay degaanka Boocame ee gobolkaa Sool, halkaasi oo ay horay u joogeen ciidamo u dhashay degaanka  oo taageersan Somaliland.

Ciidamada Somaliland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, ayaa saaka gudaha u galay degaanka Boocame ee gobolkaasi Sool, inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen, sida ay soo weriyeen goob-joogayaal kala duwan.

Warar hoose oo ay heshay Puntland Post, ayaa sheegaya in dhacdadaasi aysan la xiriirin xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland, balse ay ahayd xeelad warbaahinta looga mashquulinayo muran ka dhex jira Taliska ciidamada Somaliland ee GOOJA-CADDE, kaasi oo ka dhashay sarkaal la xiray.

Tan iyo markii uu saaka soo baxay warka sheegaya in Somaliland la wareegtay degaanka Boocame, waxa baraha bulshada qabsaday warkaasi, waxaana yaraaday hadal-haynta muran laga soo sheegayay Taliska ciidamada Somaliland ee GOOJA-CADDE.

Dhinaca kale, Puntland ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin tallaabada ay qaadeen ciidamada Somaliland eek u sugan gobolka Sool.

PUNTLAND POST