Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddiga QM ee cunaqabateynta hubka?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo Guddigaas la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada dowladdu ay kala waeegtay Al-shabaab, qorshaha dib u habeynta ciidamada xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran Soomaaliya, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu dul istaagay dadaallada dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay qoraalka in Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.

PUNTLAND POST