Madaxweyne Deni oo safar qarsoodiya ugu baxay magaalada Nairobi

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah safar aan la sii shaacin ugu baxay, magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Ilo’ ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay,  in madaxweyne Deni uu saaka si qarsoodiya ugu dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula qaadan doono, safiiro ka socda dalalka qaar, xubno matalaya wakiilada Beesha Caalamka, iyo saraakiil ka tirsan waddamada loo yaqaanno Deeq-bixiyaasha.

Madaxweynaha Puntland  iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa sida la xaqiijiyay, waxay Nairobi ku yeelan  doonaan shir la xiriira  arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya.

Weli ma cadda, in cid kale oo ka socota dowladda Federaalka ama dowlad goboleedyada dalka ay ka qeyb-geliso kulankaasi oo ku soo beegmaya, xilli Puntland iyo Jubaland ay qaaddaceen, arrimo ay sheegeen in aysan dowladda dhexe kala tashan sida Sharciga Batroolka, Sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka dalka.

Puntland iyo Jubaland, ayaa  ku baaqay in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee waddanka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo.

PUNTLAND POST