XOG: Deni oo ku wajahan Nairobi iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filaya in uu maalmaha soo socda safar aan la sii shaacin ku tego, magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Ilo’ lagu kalsoonyahay, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda socdaal ku tegi doono magaalada Nairobi, halkaasi oo uu shir kula yeelan doono xubno ka socda Wakiilada Beesha Caalamka  iyo dalalka loo yaqaanno Deeq-bixiyaasha ee ku sugan Nairobi.

Madaxweynaha iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa la xaqiijiyay in ay ka wada-xaajoon doonaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya..

Weli ma cadda, in cid kale oo ka socota dowladda Federaalka ama dowlad goboleedyada dalka ay ka qeyb-geliso kulankaasi oo ku soo beegmaya, xilli Puntland iyo Jubaland ay qaaddaceen, arrimo ay sheegeen in aysan dowladda dhexe kala tashan sida Sharciga Batroolka, Sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka dalka.

Puntland iyo Jubaland, ayaa  ku baaqay in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee waddanka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo.

PUNTLAND POST