Khilaaf ka dhashay Guddoonka Guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug

Guddiga doorashooyinka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa Galmudug ayaa doortay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Galmudug ayaa loo doortay Maxamed Xuseen Tahliil, halka Cabdiraxiim Axmed Cigaal loo doortay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga.

Kulanka lagu doortay Guddoonka Guddiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen.

Dhanka kale xildhibaanada Ahlusunna ee ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa ka soo horjeestay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenka Galmudug ee la doortay, iyaga oo ka maqnaa kulna doorashada.

Ahlusunna ayaa laga yaabaa in ay qaadacdo doorashada madaxtinimada Galmudug ee maalmaha soo socda ka dhici doonta Dhuusomareeb.

PUNTLAND POST