Boosaaso: Dilka Guddoomiyihii hore ee Qandala oo Daacish lala xiriiriyay

Maexuum Jaamac Maxamed khuurshe

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, dil fiidnimadii Caawa magaalada Boosaaso loogu geystay, Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed khuurshe.

Dableey hubaysan, ayaa bartamaha Boosaaso ku toogtay mas’uulka, xilli uu ka soo baxay hotel halkaasi ku yaalla, waxaana goobta ka baxsaday dableeydii sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Ciimado ka tirsan kuwa Amniga gobolka Bari oo goobta dilkaas ka dhacay gaaray, ayaa hawlgallo ka sameeyay aga’gaarka halka wax ka dhaceen, inkasto aysan weli jirin cid loo qabtay dilka, sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkii caawa loo gaystay Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe, balse saraakiil dhanka Amniga ah, ayaa dilkaasi la xiriiriyay kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Marxuum Jaamac Maxamed Khuurshe, waxaa Guddoomiyaha degmada Qandala loo doortay 18 January 2012, xilligaasi oo degmada Qandala ay yeelatay Golihii Degaan ee ugu horreeyay.

Jaamac Khuurshe ayaa xilka Guddoomiyaha Qandala laga qaaday, 30-May-2018, wakhtigaas oo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas uu kala diray Golihii Degaanka Qandala, islamarkaana si ku meel gaar ah Guddoomiye ugu magacaabay Yuusuf Maxamed Ciise (Qixiye).

PUNTLAND POST