
Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lala beegsaday ajaaniib Turkish ah iyo ilaali Soomaali ah oo ay wateen.
Goob-joogayaal ku sugan degmada Afgooye, ayaa laga soo xigtay in qaraxaasi, oo ahaa mid ismiidaamin ah lala beegsaday Injineero u dhashay waddanka Turkiga iyo askar ilaalo u ahayd.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi, waxa ku dhaawacmay 8 ruux oo 4 kamid ah ay ahaayeen injineero Turkish ah, inkastoo aan weli la soo werin haddii khasaare dhimasho uu jiro.
Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in muwaaddiniin u dhashay dalkeeda oo ka shaqeynayey mashruuc dhanka dhismayaasha waddooyinka ah ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Malayshiyaadka Al-shabaab oo durba sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, ayaa dhankooda xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhaawaceen ilaa 4 injineer oo kamid ahaa shaqaalaha Turkish-ka.
28-kii bishii December 2019, laba injineer oo Turkiga u dhashay ayaa ka mid ahaa 80 qof oo lagu dilay weerarkii Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST