Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo xaalad caafimaad xabsiga looga sii daayay

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in xukuumadda Puntland ay Isniintii todobaadkan xabsiga weyn ee Boosaaso ka sii daysay, siyaasiga Muuse Cali jaamac iyo mid kamid ah odayaashii la xirnaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari, ayaa warbaahinta Puntland post u xaqiijiyay, in Isniintii todobaadkan xabsiga laga sii daayay Dr Muuse Cali Jaamac iyo Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in labada oday dammaanad lagu siidaayay, si loo baxnaaniyo xaaladooda caafimaad, kadib markii ay ku dhex xanuunsadeen xabsiga weyn ee Boosaaso.

5-tii bishaan January 2020, maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $500  oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad  Aadan Maxamed.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa laba  sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar, waxay  ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble. Saddexda xukmane ee kala ah; Nabadoon Cawad  Aadan Maxamed Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble ayaa weli ku xiran xabsiga weyn ee Boosaaso.

5-ta xukmane oo xabsiga la dhigay intii u dhexaysay 30-November iyo 2- December 2019, ayaa sida maxkamaddu sheegtay lagu helay kicin dadweyn iyo aflagaaddo ka dhana madaxda Puntland.

PUNTLAND POST