Sidee madaxweynaha Jubaland loogu soo dhaweeyay Boosaaso?

Madaxweynaha Puntland dowladda Siciid Cabdullahi Dani mas’uuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweyne ah ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Shir ay Saxaafada u qabteen labada madaxweyne  soo dhawaynta kadib ayuu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ka sheegay in ay maanta tahay maalin weyn oo madaxweynaha Jubbaland uu booqasho taariikhi ah ku yimid Boosaaso taas oo cadayn u ah iskaashiga iyo Xiriirka wanaagsan ee labada dhinac ka dhexeeya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada shaqaynayaan ilaalinta iyo dhaqangalinta hanaanka Federaalka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Jubbaland lagu yaqaano Sida ay uga shaqayso Midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay dagaalka adag ee lagula jiro Argagixisada taas ayuuna sheegay inay tahay wax weyn loo in lasii joogteeyo u bahaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in mudo dheer kadib ay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado Boosaaso oo ka badalan sidii uu ku yaqaanay waxaa uu sheegay in ay hormar la taaban karo samaysay Magaaladu.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada shaqayn doonan sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka labada dhinac ee iskaashiga ku dhisan iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahayeen hormarka dalka gaar ahaan Arimaha nabadgalyada iyo Federaalka oo ay tahay in lasii xoojiyo sida uu Madaxweynahu sheegay.

Halkaan ka daawo muuqalka iyo sawirada

PUNTLAND POST