Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo lagu weeraray buuraha Calmadow

Gaariga laga qabsaday Puntland

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, weerar kooban oo shalay ka dhacday degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag.

Wararka halkaasi laga helayo, ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo u dhashay degaanka, ay shalay weerar ku qaadeen mas’uuliyiin ka socday Puntland oo marayay nawaaxiga Ulxeed, kuwaasi oo dadka degaanku ku eedeeyeen in ay la socdeen niman Caddaan ah oo macdan ka baarayey buuraleeydaasi.

Dableeyda hubaysan ayaa rasaas culus huwiyay gaadiidkii ay wateen mas’uuliyiinta, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta la wareeray ayaa goobta uga cararay gaari nooca loo yaqaan CABDI BILE, kaasi oo markii dambe ay gubeen dableeydii weerartay.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland, oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo ay geysteen dableey Shabaab ah, balse dadka degaanka ayaa beeniyay in Al-shabaab weerarka ka dambeeyeen.

PUNTLAND POST