Aqoonyahan Soo dhaweeyay Heshiis Nabadeed oo ka dhacay Boosaaso

Liibaan Saalax Maxamuud (Liibaan Gegiroor) oo kamid ah Aqoonyahannada Puntland ayaa si mugleh u soo dhaweeyay Heshiis ay dhowan magaalada Boosaaso ku gaareen laba beelood oo walaalo ah.

Beelahaasi waa beelo walaalo ah dhibtooduna ay mudda badan soo noq-noqotay si guud Mandaqaddaasi gobollada Karkaar iyo Bari ee Puntland. Dhacdada hadda ay ka heshiiyeen labadan jifiyood waxay ahayd dhacdo aad u fool xun” ayuu yiri Liibaan Gegiroor.

Mudane Gegiroor ayaa sidoo kale u mahad celiyay laba xildhibaan oo kamid ah Baarlamanka Puntland kuwaasi oo sida uu sheegay dadaal badan ku bixiyay in labadaasi beelood ay Heshiis ka gaaraan colaaddii u dhexaysay.

Ugu dambeyntii Aqoonyahanka ayaa labada beelood ku boorriyay in la sii dhammaystiro hawlaha ka dhiman Heshiiska islamarkaana si rasmiya loo dhaqan-geliyo qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST