Xaaf oo kala diray maamulkii degmada Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa wareegto uu soo saaray ku kala diray, golihii degaanka degmada Gaalkacyo, waxaana uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii degmadaasi.

Xaaf ayaa wareegtada uu xilka uga qaaday maamulkii degmada Gaalkacyo, waxaa uu ku sheegay, in kadib markuu arkay xaaladda ay ku sugantahay magaaalada Gaalkacyo, iyo in maamulku ay wax ka qaban waayeen amniga iyo hormarka degmada, uu sidaasi xilkii uga qaaday.

Madaxweyne Xaaf ,ayaa si ku meel gaar ah guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ugu magacaabay Siciid Salaad Cilmi ,halka ku xigeenka degmadana u magacaabay Maxamed Cali Xirsi.

Dhinaca kale, mudane Xaaf oo maalmahan ku sugan Gaalkacyo, ayaa ka soo horjeestay hawlaha maamul dhiska Galmudug ee dowladda Federaalku ka waddo Dhuusamareeb, waxaana uu isna magacaabay guddi kale.

PUNTLAND POST