Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka

Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u arko in isagu u qalmo billadda Nabadda Adduunka ay la gudboon tahay inuu dacwad u gubbisto guddiga caalamiga ah ee abaalmarinta billadda nabadda adduunka ee Nopel Peace.

Hadalkaas ayaa jawaab u ahaa, war ka soo yeeray Mr Trump oo ku saabsanaa in isagu u xaq lahaa abaalmarintii Nabadda, laakiin la hareer mariyey, inkastoo Trump uusan xusin magaca qofka la siiyay, balse hadalkaas ayaa u muuqday mid hoos u dhigayey in Ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu u qalmo iyo in kale Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, wuxuu sidoo kale sheegay in uusan waxba ka ogayn heerarka ay soo martay iyo sababaha ay guddigu ugu doorteen in isaga la siiyo billadda nabadda adduunka.

Balse, uu ogyahay oo kaliya in bulshada caalamku ay ku amaaneen qaabkii uu waddankiisa Ethiopia u hirgeliyay heshiiskii nabadeed ee ay Ethiopia la gashay dalka deriska la ah ee Ereteriya oo ay mudo dheer ka dhex aloosnayd colaad raagtay oo galaafatay nolosha kumanan qof oo u kala dhashay Ethiopia iyo Ereteriya, taasoo god dheer ku riday xiriirkii labada shacab.

PUNTLAND POST

.