Al-shabaab oo sheegtay in ay dib ula wareegtay degaanka Toorratoorow

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa sheegtay in ay dib ula wareegeen degaanka Toorratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay shalay ka qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay, in Kumaandooska DANAB ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamo Maraykan ah, ay dib uga baxeen degaankaasi Toorratoorow, islamarkaana iyagu ay mar kale la wareegeen.

Marka laga reebo sheegashada Al-shabaab, ma jiraan warar ka madax-bannaan oo xaqiijinaya in ay dib ula wareegeen Toorratoorow, sidoo kale weli saraakiisha ciidamada dowladdu kama hadal, in ay halkaas ka baxeen iyo in kale.

Al-shabaab ayaa shalay ciidamada dowladdu ka qabsadeen degaankaasi istiraatiiji ah, oo ay ku uruursan jireen Canshuuraha , islamarkaana ay ku taallay xarunta ugu muhiimsan Al-shabaab ee gobolka iyo sidoo kale maxkamad ay dadka ku kala xukmaan.

PUNTLAND POST