Xanuun aan weli la aqoonsan oo carruur badan ku soo ritay Gaalkacyo

Dhaqaatiirta ka hawlgala  isbitaalka weyn ee waqooyiga magaalada gaalkacyo, ayaa laga soo xigtay in isbitaalku la ciir-ciirayo bukaanno uu soo ritay xanuun aan weli la aqoonsan.

Xanuunkaasi, ayaa la sheegaya in uu carruur badan ku soo ritay gudaha magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay jiraan dad waaweyn oo uu ritay, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in dadka uu soo ritay xanuunkaasi, lagu arkay calaamado ay kamid yihiin calool-barar, daba-dhiig iyo  matag dhiig ah, balse baaritaano ay ku sameeyeen aysan weli aqoonsan.

Sidoo kale, waxay sheegeen in dhiigag iyo dheecaanno laga qaaday bukaannada qaar loo sii qaaday magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, si baaritaanno loogu sameeyo.

Isbitaalka weyn ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, oo la geeyay bukaannada u badan, ayaa waxa gacanta ku haysa hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudka lahayn ee Médecins Sans Frontières (MSF).

PUNTLAND POST