Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in wefdiga ay hoggaaminayeen Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay ee WHO, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik.

Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goob joog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.

PUNTLAND POST