Madaxweyne Deni oo Guddoomiye KMG ah u magacaabay Carmo

Maxamed Ibraahim Faarax, Guddoomiyaha cusub ee Carmo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiyaha ku meel gaarka ah u magacaabay degmada Carmo ee gobolka Bari.

Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar ugu magacaabay Guddoomiyaha degmada Carmo.

Maxamed Ibraahim Faarax oo ah Nabadoon ayaa kamid ahaa xubnihii Guddiga dib u dhiska wadada bartamaha Boosaaso oo bishii July ee sanadkii hore xukuumadda Deni xirtay, kadibna maxkamadi siideysay.

Madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa 24 saac ee la soo dhaafay magacaabay xilal kala duwan.

Hoos ka akhriso digreetada magacaabida Guddoomiyaha Carmo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Degmada Carmo.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey :

  1. Waxaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLANS POST