Caddaalad-darro awgeed oo xilkii looga qaaday Guddoonkii iyo garsoorayaashii Maxkamada ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyey Guddoonkii iyo garsoorayaal ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday S/guuto Siciid Abyan Cigaal, Guddoomiyihii maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland, Guddoomiye ku xigeenkii G/sare Maxamuud Nuur Muuse, Garsoore G/sare Aadan Xuseen Maxamed, Garsoore G/sare Maxamed Aadan Jaamac, Garsoore G/sare Cabdirisaaq Axmed Cali iyo Garsoore G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan.

Madaxweyne Deni ayaa xilka qaadista u cuskaday markii uu arkay cabashooyin taxanaha ah iyo caddaalad-darro ka imanaysa mas’uuliyiinta dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland, sida uu ku sheegay digreeto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah ugu magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa 24 saac ee la soo dhaafay magacaabis iyo xilka qaadis kala duwan sameynayey.

Hoos ka akhriso digreetada xilka-qaadis iyo magacaabida maxkamada ciidamada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.
  2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD=

PUNTLAND POST