Xaaf oo Baarlamaanka cusub ee Galmudug ku sheegay been abuur

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay liiska xildhibaanada Galmudg ee shalay lagaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cidii soo saartay liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo lagu sheegay in ay yihiin been abuur.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug taladeeda ay leeyihiin madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah, balse ay san lahayn sida uu sheegay odayaal been abuur ah, xukuumad dano khaas ah wadata iyo danley xildhibaano ah.

Sidoo kale war-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Galmudg ay u istaagaan xaaladda Galmudug.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Xaaf

PUNTLAND POST