Madaxweynaha Puntland oo magacaabay masuuliyiin cusub

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dowladda, Agaasime ku-xigeenka Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Sool.

Madaxweyne Deni ayaa Abdirisaaq Warsame Seeraar u magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dowladda Puntland, halka uu Anisa Cabdiraxmaan Maxamed (Shaxbal) u magacaabay Agaasime ku-xigeenka Bankiga Dhexe.

Masuuliyiinta cusub ee Bankiga Dhexe, Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool u magacaabay G/Sare Cismaan Yuusuf Muuse.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Haylaan u magacaabay Cabdisalaan Maxamed Muuse.

Hoos ka akhriso Digreetada Guddoomiyaha iyo Agaasime ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.04 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Hoos ka akhriso Digreetada magacaabida Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.05 January 8, 2020 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay : Baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Ciidanimo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Hoos ka akhriso digreetada Guddoomiye ku-xigeenka Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.07 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Gobolka Haylaan.

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdisalaan Maxamed Muuse loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLAND POST