Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo lagu dhawaaqay

Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta oo Jamce ah si toos ah u baahiyey liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Guddiga ayaa soo bandhigay magacyada 83 xildhibaan, waxayna sheegeen inta dhimman ay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo dhameystiri doonaan, maadaama Baarlamaanka Galmudug laga rabo 89 xildhibaan.

Xidhibaanadan 20 kamid ah, waxaa horey u soo gudbisay Ahlusunna oo ku heshay saami qeybsi siyaasadeed.

Doorashada Galmudug ee ka socota Dhuusamareeb, waxaa dhawaan qaadacay Madaxweyne Xaaf iyo qaar kamid ah beelaha Galmudug.

Hoos ka akhriso magacyada xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan.

PUNTLAND POST