Dowlada oo meel ku dhac ku tilmaantay war ka soo baxay Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay war ku aadan weerarkii sabtidii ka dhacay Ex-Control Afgooye 28-kii December, oo kasoo baxay hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in qoraalka ka soo baxay  Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya, uu weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba dhinac.

Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST