Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u dhoofay Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jamce ah u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magaalada Dooxa kaga qeyb galaya shirka madasha Dooxa oo looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha Caalamka iyo hey’ado caalami ah ayaa soconeysa 14 iyo 15, December 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017.

Wasiirka arrimaha dastuurka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinaya safarka uu ugu baxay dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

PUNTLAND POST