Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo magaalada Aswan u jooga ka qayb galka madasha Aswan, ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Canada,  François-Philippe

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo François-Philippe, looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Canada

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa ay la yeelanayaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb gelaysa shirka madasha Aswan ee nabadda iyo horumarka waara ee maanta ka furmay Masar.

PUNTLAND POST