Ahlusunna oo qoondo gaara laga siiyey Baarlamaanka cusub ee Galmudug

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo iyo Culimaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa ka heshiiyay Khilaaf muddooyinkii dambe u dhexeeyay oo salka ku hayay Saami-qeybsiga  xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in heshiis rasmiya laga gaaray murankii ka taagnaa Saamiga Ahlusunna laga siinayo xildhibaannada Baarlamanka Galmudug.

Wasaaradda ayaa sheegtay in labad dhinac ku heshiiyeen, in Ahlusunna 20 xubnood laga siiyo xildhibaannada la soo xulayo ee baarlamanka Galmudug, sidaasina uu ku dhammaaday khilaafkii ka taagnaa saamiga Ahlusunna ka helayso Golaha Wakiilada cusub ee Galmudug.

War-saxaafadeedka, oo uu ku saxiixan yahay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sidoo kale mahad-celin loogu jeediyay Hoggaanka Ahlusunna oo la sheegay in ay tanaasul muujiyeen, si loo dhiso Galmudug midaysan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST