Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saartay Khasaaraha Roobabkii ka da’ay Puntland

Qaramada Midoobay, ayaa warbixin ka soo saartay Khasaarahay ay dhaliyeen Roobabkii dabaylaha watay ee toddobaadkii hore ku dhuftay Puntland, gaar ahaanna degaannada  ku teedsan Xeebaha badweynta Hindiya iyo badda Cas.

Warbixinta Qaramada Midoobay  soo saartay, ayaa lagu sheegay in degaannada xeebaha ku teedsan ee ku yaalla Gobollada Bari iyo Nugaal, ay Roobabka dabaylaha watay waxyeello gaarsiiyeen kaabayaashii nolosha ee dad ka badan 32 kun oo qof oo ku noolaa degaannadaasi.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay, waxay warbixinteeda ku xustay in Roobabkaasi dabaylaha watay, ay bara-kiciyeen dad gaaraya ilaa 4,800 oo qof, oo ku noolaa degmooyinka Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray, kadib markii ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale oo ay ku tiirsaneyd noloshooda.

Ugu dambeyntii, warbixinta Qaramada Middoobay , ayaa lagu sheegay dadka ay Roobabkaasi saameeyeen, ay u baahan yihiin biyo nadiif ah, hoy, mara-kaneecooyin, dhar carruureed iyo agab kale oo caafimaad.

PUNTLAND POST