Shirka baarlamaannada Adduunka oo ka furmay Qadar

Magaalada Dooxa ee dalka Qadar waxaa maanta ka furmay Shirka 7aad ee ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka musumaasuqa.

Shirka waxaa isla shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qadar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi kana kooban xubno ka kala tirsan labada Aqal ee BFS.

Shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee ka hortagista musuqmaasuqa ayaa socon doona maalmaha 9 iyo 10 Decembar 2019.

Wafdiga Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin Qadar kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda ka qeb galeysa Shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka.

PUNTLAND POST