Roobab saacado badan ka da’aya Puntland

Qaar kamid ah gobolada Puntland waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’yey roobab mahiigaan ah.

Roobabka ayaa u badan gobolada Bari iyo Gardafuu, gaar ahaa deegaanada xeebaha, kuwaas oo ilaa iyo hadda oo ay tahay saxdii dhexe oo habeenimo da’aya.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kamid ah meelaha roobku ka da’yey 24-kii saac ee la soo dhaafay, daadad soo rogmaday ayaa saddex gaari kula tagay Boosaaso, waxaana laga soo badbaadiyey dadkii saarnaa gaadiidkaas.

Maamulka gobolka Bari ayaa hakiyey isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland.

Gobolka Gardafuu ayaa isagana 24-kii saac ee la soo dhaafay qeybo kamid ah roobab ka da’ayeen, khasaare naf iyo maala ayaa laga soo sheegayaa, inkasta oo ilaa hadda aan si dhab loo xaqiijin karin inta uu le’eg yahay.

Dhanka kale roobab iyagu dabeylo wata ayaa caawa la soo sheegayaa in ay ka bilowdeen qeybo ka mid ah gobolka Nugaal, gaar ahaan deegaanada xeebaha.

Isgaarsiinta ayaa ka go’an deegaanadaas, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Eyl.

Wixii warar ah ee soo kordha, halkan ayaa kala socon doontaan.

PUNTLAND POST