Muqdisho: Xukun lagu riday askar rasaas ku furay gabdho walaalo ah

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun ku riday labo askari oo lagu eedeeyey in ay rasaas ku fureen 07-da bishii sagaalaad ee sanadkan labo gabdhood oo walaalo ah.

Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo saarnaa Mooto Bajaaj maraysay  agagaarka Isbitaalka 
Masaarida ee degmada Hodan gobolk Bamaadir ayaa maxkamada ciidanku ku kula xukuntay dil iyo xabsi.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed ayay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Dable Boliis Xasan Muuse Warsame ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle, sida uu sheegay Guddoomiyaha maxkamadda Derajada kowaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labada askari ee la xukumay uu u furan yahay Rafcaan ku siman Sodon cisho.

PUNTLAND POST