Kalluumaystada degaanka Garacad oo sheegay in ay saaka badda u shaqa-tageen

Dadka ku nool Degaanka Garacad ee gobolka Mudug iyo tuulooyinka hoos yimaada, oo ay xiriiro kala duwan la samaysay Warbaahinta Puntland Post, ayaa beeniyay warar sheegaya in roob dabaylo wata oo khasaare gaystay ku dhuftay xeebahaasi.

Kalluumaysato ku sugan xeebta degaanka Garacad ee gobolka Mudug, oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in roob yar oo shuux u badan uu xalay ka da’ay degaanka, kaasi oo aan wax khasaare ah gaysan.

Waxa kale oo ay sheegeen, in ay saaka si caadiya ugu shaqa-tageen badda, maadaama aysan wax dhib ah ka jirin heerka mowjadaha badda, oo sida ay tilmaameen kaba deggan maalmihii hore.

Balse, waxay intaasi raaciyeen, in ay taxaddar dheeriya muujinayaan oo meelo xeebta u dhow ka jillaabamayan, si haddii xaalad cusub soo kororto ay uga gaashaantan.

PUNTLAND POST