Dowladda Puntland oo ka warbixisay Khasaaraha ka dhashay Roobabka

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay khasaaraha ilaa iyo haatan la xaqiijiyay ee ay gaysteen roobabka dabaylaha wata ee ka da’aya degaannada Puntland.

Wasiir Dhabancad, ayaa sheegay in roobabka dabaylaha wata , ay khasaare kala duwan ka gaysteen degaanno ka tirsan Puntland oo u badan kuwa ku teedsan xeebaha gaar ahaanna gobolada Gardafuu, Bari, Sanaag iyo Nugaal.

Mudane Dhabancad, ayaa xaqiijiyay in hal qof uu ku dhintay doonni kalluumeysi oo ku degtay xeebaha degmada Caluula ee gobolka Gardafuu, halka xeebta degaanka Ceelaayo ee gobolka Sanaag ay baddu la tagtay ilaa afar doonyood oo kuwa kalluumeysiga ah, inkastoo aysan khasaare nafeed ka dhalan.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in degaanka Garmaal oo ka tirsan gobolka Nugaal iyo Nawaaxigiisa, ay daadad ka dhashay roobka ilaa lix qoys oo reer miyi ah xoolihii kala tageen, halka degmada Eyl-na ay dabaysha roobku dumisay taawaradii Isgaarsiinta.

Sidoo kale, wasiirka ayaa digniin hor leh ku bixiyay in taxaddar dheeriya la muujiyo, maadaama weli roobabku si xawliya uga da’ayaan gobollada Puntland.

Halkaan ka daawo wareysiga Wasiirka oo dhan

PUNTLAND POST