Sheekh Daahir Aw-Cabdi: Cabdiraxmaan Cabdishakuurow! Diinta kuma jirtid ee ku soo noqo

Sheekh Daahir Aw-Cabdi

Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Daahir Aw-Cabdi, oo jimcaha maanta hadal ka jeediyay masaajid ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa  ku tilmaamay hoggaamiyaha Xisbiga WADAJIR Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, nin Axaaddiista Nebiga beeniyay oo Diinta ka baxay.

Sheekh Daahir oo daliilsanaya mas’alooyin Diiniya, ayaa sheegay in siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu beeniyay Axaaddiis ka sugnaatay Nebiga, oo aan wax khilaaf iyo muran ah ka jirin, sidaasi darteedna uu Diinta ka baxay, isagoo ka codsaday in uu towbad keeno oo ku soo laabto Diinta.

Marka uu leeyahay cabdiraxmaan Axaaddiis faaliso ah oo jeebka ay kala soo baxeen, bay Haweenka ku durayaan, hadalkaasi waa Riddo aad Diinta kaga bixi,  Diinta kuma jirtide Diinta ku soo noqo towbad keen” ayuu yiri Sheekh Daahir Aw-Cabdi.

Sidoo kale, Wadaadka ayaa sharraxaad ka bixiyay Xaddiis uu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur beeniyay, kaasi oo ka hadlaya arrimo aysan Haweenku raga kala Sinayn sida marag-furka oo labadii qof oo dumar ah u dhigmaan hal nin.

Hoos ka daawo muuqaalka Sheekh Daahir.

PUNTLAND POST