Madaxweyne Farmaajo oo dardaaran u jeediyay Dhalinyarada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer dowlad goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka.

Madaxweynaha ayaa uga xog waramay dhalinyarada  qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu ay ku bixineyso horumarinta iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka.

Waxaan haatan u soconnaa in aan shacabka Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan aan u soocelinno talada dalka, taladaas oo ka bilaabmata doorashada. Dhankooda dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay naftooda kula xisaabtamaan dadaalka ay dalkooda geliyaan iyo gacanta ay ka geystaan horumarka iyo dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu qaadday tallaabooyin la xiriira adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dalka, taasina ay horseedday dib u soo celinta maqaamka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Casho sharaftan maamuuska ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka iyo ciyaartooyda Kooxda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo dalka u yimid hawlo samafal iyo in ay tartamo ciyaaro oo sare u qaadaya is dhexgalka bulshada ay la yeeshaan ciyaartooyda gudaha.

PUNTLAND POST