Karaash oo Guddi kale u magacaabay gurmadka Gardafuu

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madax banaan oo culimo ah, kuwaas oo qayb ka noqonaya gurmadka Gobolka Gardafuu.

Digreeto uu caawa soo saaray Axmed Karaash ayuu ku magacaabay Guddigan oo ka kooban lix wadaad oo kala ah.

1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur (Guddoomiye)
2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf (Guddoomiye Ku-xigeen)
3.Shiikh Daahir Aw Cabdi (Xubin)
4.Shiikh Maxamed Macalin Axmed (Xubin)
5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir (Xubin)
6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle (Xoghayn).

Guddigan ayaa ka qayb noqonaya gurmadka loo fidinayo shacabka gobolka Gardafuu oo xaalad go’doon ah ku jira.

Axmed Karaash ayaa bishii hore Guddi Todobo xubnood ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah u magacaabay xaalada Gardafuu, waxaana xusid mudan in guddigaas uu ku jiray Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur oo hadda Guddoomiye u ah guddigan cusub.

Digreetada Axmed Karaash ee Guddiga cusub ayaa u qorneyd sidan.

Garoowe, December, 05, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda bini’aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi. Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah sidan.

1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur
Guddoomiye.
2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
Guddoomiye Ku-xigeen.
3.Shiikh Daahir Aw Cabdi
Xubin
4.Shiikh Maxamed Macalin Axmed
Xubin
5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir
Xubin
6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle
Xoghayn.

PUNTLAND POST