Gallan iyo Abwaan oo isku khilaafsan sida loo wajahayo arrimaha gobolka Bari

Wararka Puntland Post ka helayso magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in Khilaaf ka dhex qarxay, wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo loo yaqaan Cabdisamad Abwaan.

Wasiirka iyo guddoomiyaha, ayaa sida la sheegayo aragti midaysan ka yeelan waayay, sida loo wajahayo odayaal iyo siyaasiyiin mucaaradsan dowladda Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso, kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay maalmihii la soo dhaafay, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiiska DP World iyo arrimo kale.

Inkastoo wasiirka iyo guddoomiyaha gobolka Bari aan mid koodna xaqiijin khilaafka dhexdooda ah, haddana xubno si hoose ula socda warkan ayaa sheegaya in maalmahanba uu ka dhex taagnaa muran ku salaysan habka loo wajahayo dadka mucaaradsan xukuumadda ee ku sugan gobolka Bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, weli Puntland Post xog dhammaystiran kama helin sida labada mas’uul mid kasta u doonayo in loo wajaho arrimaha ka aloosan gobolka Bari iyo dadka dhaliilsan xukuumadda oo qaarkood haatan ku xiran yihiin xabsiga weyn ee Boosaaso.

PUNTLAND POST