Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay Masraxa soo bandigidda Hal-abuurka

Munaasabad lagu daah furayo masraxa hal abuurka oo loogu talagalay in abwaanada iyo aqoonyahanada ay ku soo bandhigaan sugaan iyo doodo cilmiyeysan ayaa xalay laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xalay si wada jir ah xariga uga jaray masraxa furan, kaasi oo wixii hadda ka dambeeya lagu qaban doono doodo iyo in bulshada loogu soo bandhigo xogta dowladda..

Wasiir Maareeya oo hadalkooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in masraxa furan lagu soo bandhigi doono wax badan oo bulshada Soomaaliyeed wax u tara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa hoosta ka xariiqay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ay masraxa furan si wadajir ah ugu qaban doonaan doodo.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wax badan la qabsan karo, masraxa ay Wasaaradda Warfaafinta hirgelisayna ay qeyb ka tahay horumarka iyo bilicda ka jirta magaalada.

Munaasadda lagu daah furayay masraxa hal abuurka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Maareeyaha Guud Wakaaladda Dhismaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, marti sharaf iyo fanaaniinta Hobollada Qaranka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeyso horumarka ay dowladda ku talaabsatay iyo baraarujin ku saabsan inay ka qeyb qaataan horumarinta dalka.

PUNTLAND POST