Digniin laga soo saaray roobab duufaano wata oo laga cabsi qabo in ay ka da’aan Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo gaartay roobab dabeylo wata oo la saadaalinayo in ay ka da’aan qeybo kamid ah Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladu ka digeyso fatahaado horleh oo ka dhaca Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo inay da’aan roobab xoog leh.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay heegan buuxa gelisay hay’adaha qaabilsan Gurmadka deg dega iyo ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee ka dhalan kara roobabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa fatahaadaha iyo duufaanada la saadaalinayo la wadaagtay qeybaha kala duwan ee bulshada, hay’adaha Samafalka iyo dowladaha saaxiibada la ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

PUNTTLAND POST