Wasiir Abgaal oo ka warbixiyay shirar uu kaga soo qeyb-galay Nairobi iyo kampala

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal, oo maanta warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa markii u horraysay ka warbixiyay shirar uu kaga qeyb-galay magaalooyinka Kampala iyo Nairobi oo looga hadlayey arrimaha Maaliyadda dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa faahfaahiyay,  shir ay ku kulmeen wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada dowlad goboleedyada dalka oo ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda.

Shirka ugu horreeya wuxuu ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, shirkaas ujeedadiisa waxay ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa Wada-shaqeynta iyo Horumarinta arrimaha la xiriira hagaajinta iyo habsami u-socodka Maaliyadda ee dalka” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay shir kale oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo isagana looga hadlay arrimaha Deyn-Cafinta dalka Soomaaliya.

Shirka labaad wuxuu ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Shirk aka dhacay dalka Kenya waxaa u jeedadiisu ahayd sidii ay isula jaan qaadi lahaayeen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah arrimaha Deyn-Cafinta” ayuu mar kale yiri Wasiir Abgaal

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST