Puntland oo hambalyo u dirtay dowladda Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Imaraadka Carabta ku hambalyeysay maalinta Qarannimada dalkaasi oo ku beegan 2-December 1971, wakhtigaasi ay isu-tageen Imaaaradaha kala duwan ee ku midaysan UAE.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland, ahna ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan uu dowladda Imaaraadka ku hambalyeeyay  maalinta Qaran ee waddankaasi.

Waxaa sharaf ii ah, aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca dowladda iyo Shacabka Puntland guud ahaan, in aan halkaan idiinka soo jeediyo Hambalyo kal iyo laab ah oo ay ku dheehantahay hididiilo  ah, in Ilaahay mar kale idinku gaarsiiyo maalintan Qaran, ayaamo farxad leh, amni, xasilooni barwaaqo iyo horumar uu idiin horseedo hoggaankiinna suubban” ayuu yiri ku-simaha madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu yiri “ waxaa nala gudboon xukuumad iyo shacabba, in aan idiinkula dabbaal-degno  Xuskan Taariikhiga ah, si aan u muujinno Kalgacaylkiinna, islamarkaana u ilaalinno xiriirkeenna ku salaysan dibloomaasiyadda, dhaqanka, siyaasadda, amniga iyo mashaariicda hormarineed”.

Ugu dambeyntii, qoraalka Puntland waxaa lagu soo geba-gabeeyay “ Puntland waxay dowladda Imaaraadka Carabta ku bogaadinaysaa oo uga mahadcelinaysaa kaalinteeda mudan ee dhinacyada horumarinta”

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise