Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Tababar u furtay Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, oo ka duulaysa yoolkeeda Tayeynta Waxarashada, ayaa Tababar mudda afar maalmood ah socon doona  u furtay, qaar kamid ah Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Tababarka waxaa lagu baran doonaa casharro la xiriira Qiimaynta akhriska fasallada hore, Qiimayn tirinta iyo xisaabta fasallada hore, Ururinta iyo Saafidda xogta Qorrida warbixinnada iyo wacyigelinta bulshada si loo helo arday mideysan laguna dhiirri-geliyo waxbarashada iyo wax-tarkeeda.

Tababarkan, waxa wasaaradda ka taageeraya, hay’adda UNICEF Mashruuca GPE, waxaana Tababarka bixinaya Macallimiin ka socda Waaxda Tayeyntan, Kormeerka iyo Manaahijta ee Wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Tayo-dhawrka iyo Kormeerka, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo ka hadlay ujeedka tababarkan iyo muhiimadda uu leeyahay, ayaa sheegay ujeedkiisu yahay in shaqaalaha lagu hubeeyo aqoonta iyo xirfadda qiimaynta waxbarashada.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddda Waxbarashada Puntland, Bashiir Jaamac Maxamed oo furay Tababarka Shaqaalaha Wasaaradda, ayaa sheegay in loo baahanyahay sare u qaadidda Tayada Waxbarshada, isagoo ku boorriyay shaqaalaha fursadda u helay in ay wixii ay ka bartaan ay la wadaagaan shaqaalaha kale ee aan fursadda u helin.

 “Waxaan filayaa in afarta maalmood wax badan ay kasoo bixi doonaan, insha Allah, wixii kasoo baxana waxaan filaa in aad la wadaagtaan Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarshada iyo shaqaalaheeda kale”ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Bashiir Jaamac Maxamed ahna ku-simaha Wasiirka, ayaa sheegay in Tayada Waxbarashada kor loo qaadi karo haddii la helo Saacado waxabarashada ku filan, Macallin fiican, Goob Fiican, Manhaj tayo leh iyo Jadwal shaqo.

Ugu dambeyntii, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Bashiir Jaamac Maxamed ayaa u mahad celiyey Hay’adda Unicef oo mar walba garab taagan taageeridda Arrimaha Waxbarashada Puntland.

PUNTLAND POST