Dhoobo-daareed oo si kulul u cambaareeyay xarigga Nabaddoonada Boosaaso

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo ku sugan degmada Xiingalool ayaa si kulul u cambaareeyay xariga magaalada Boosaaso loogu gaystay laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari.

Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo xukuumadda Puntland ku dhaliilay Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso iyo sidoo kale heshiisyo cusub oo ay sheegeen in ay Imaaraadka ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale.

Mudane Dhoobo ayaa sheegay in Dastuurka Puntland uu xaq u siinayo muwaaddiniinta in ay dhaliilo u jeedin karaan dowladda iyo ay si xor ah u muujin karaan fikirkooda iyo ra’yiga ay ka aaminsan yihiin hadba wixii taagan sidaasi darteedna ay sharci-darro tahay in fikirkooda loo xiro.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan ceebo horay ay xukuumaddu u gaysatay oo aan weli la isaga imaan haddana ay ku sii socoto xarig iyo cabburin loo gaysanayo qof kasta oo dhaliilsan arrimaha qaldan.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST