Xoghayaha Xisbiga Himilo Qaran oo beeniyay in ciidamo Itoobiyaana la geeyay magaalada Dhuusamareeb

Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran, oo kamid ah Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa si adag u beeniyay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud la geeyay, Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee  AMISOM.

 “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn”ayuu yiri Xildhibaan  C/xakiin Macalin Axmed Maalin oo ah Xog-hayaha Himilo Qaran.

Xildhibaanka oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya  oo  ka wada- tirsan AMISOM ay horay u joogeen magaalada Dhuusamareeb mudda gaaraysa saddex bilood.

 “Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran, ayaa dhinaca kale nasiib-darro ku tilmaamay in Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka oo xisbigiisa Himilo Qaran uu kamid yahay, ay warar aan la hubin ka soo baxaan, isagoo ku dhaliilay warkii ay sheegeen ee ahaa in ciidamo Itoobiyaana oo aan ka tirsaneyn AMISOM la geeyay Dhuusamareeb.

Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira,Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta“.

PUNTLAND POST