Qaar kamid ah odoyaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Bari oo sheegay in aan waxba ka fulin Heshiiskii DP World

Sawir hore: Dekedda Boosaaso

Xubno ka tirsan odoyaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta gobolka Bari ,oo shalay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa si adag u dhaliilay Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso oo ay sheegeen in aan waxba ka fulin.

Odayaasha ayaa xukuumadda Puntland u soo jeediyay in heshiiskaasi laga laabto, maadaama sida ay ku tilmaameen aysan waxba ka fulin qodobadii lagu heshiiyay, islamarkaana uu curyaamin ku yahay dhaqaalaha Puntland.

Sidoo kale, waxay dalbadeen in garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE laga soo celiyo, shirkad laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in dowladdu ku wareejisay.

Haddaba, Siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo laba kamid ah odoyaasha wax dhaliilsan oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa ay diiddan yihiin.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST