Odowaa oo Farmaajo ku eedeeyay in uu ciidamada Ethiopia u adeegsanayo Af-duubka doorashada Galmudug

Musharrax Odowaa

Musharraxa xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa eedayn culus u jeediyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mudane Odowaa, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo, in uu garab iyo gaashaan uu adeegsado ka dhigtay ciidamada dowladda Ethiopia, si ay kursiga ugu sii hayaan, islamarkaana afduub, cabburin iyo caga-juglayn ugu geystaan cid kasta oo dhaliilsan Siyaasadda Farmaajo.

Musharraxa ayaa soo taxay dhacdooyin dhawr ah, oo madaxweyne Farmaajo u adeegsaday ciidamada Ethiopia, in ay u af-duubaan siyaasiiyiin, mas’uuliyiin iyo madaxba, balse qaarkood aysan ku guulaysan, isagoo tusaale u soo qaatay arrima ay kamid yihiin; doorashadii Koonfur Galbeed, af-duubkii Roobow, mas’uuliyiin laga qabtay gobolka Gedo iyo sidoo kale isku day in la qabto madaxweynaha Jubaland oo fashilantay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hadda madaxweyne Farmaajo uu ciidamo Ethiopiana ku daabulayo magaalada Dhuusamareeb, si loogu cabsi geliyo musharrixiinta u tartamayaa doorashada Galmudug ee aysan dowladdu wadan, islamarkaana loogu af-duubto doorashada maamulkaasi Galmudug.

Ugu dambeyntii, musharrax Odowaa ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay in uu doorashada ku galay Ethiopian Neceyb, balse durbadiiba uu si xishood-darro ah isugu dhiibay dowladda Ethiopia, waxaana uu ku boorriyay in uu is daba-qabto.

PUNTLAND POST