Nabaddoono lagu xiray magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari, oo shalay ka soo muuqday  warbaahinta, iyagoo dhaliilaya xukuumadda Puntland.

Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta.

Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan, Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari, oo diiday in la xigto magacyadooda, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay xariga labada Nabaddoon, waxaana ay sheegeen in hadda loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Nabaddoonada ayaa mid kamid ah xalay gurigiisa laga qabtay, halka kan kalena saaka suuqa laga qabtay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha aan xiganayno.

PUNTLAND POST