Faahfaahin: Sida loo qabtay Nabaddoonada lagu xiray Boosaaso

Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Waxgaradka gobolka magaalada Boosaaso, oo wareysi kooban siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay sida loo qabtay laba nabaddoon oo xalay iyo saaka lagu xiray gudaha Boosaaso.

Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta.

Caaqilka ayaa sheegay in Nabaddoonada la qabtay midkood ay xalay gurigiisa ugu dhaceen askar ka tirsan laamaha Amniga Puntland, halka kan kalena saaka laga qabtay suuqa magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xarigga labadaasi nabaddoon aan sifo sharciya loo soo marin, isagoo cambaareeyay sida uu sheegay in loola dhaqmay markii la xirayey.

Hoos ka dhageyso wareysiga

PUNTLAND POST